Posts

Showing posts from May, 2024

GEFAFKA MAALIYADEED EE AYNU GALNO

Image
QALAD 1: Isu dheellitir dakhligaaga iyo kharashkaaga ---------- Hore ayaa ay Soomaalidu u tidhi, ‘Dani waa seeto’ laakiin noloshan dambe ee casriga ahi waxa ay dhiirrigelinaysaa in qofku seetadaas goosto. Teknoolajiyadda iyo war isgaadhsiintu waxa ay isu fureen dadkii dunida oo noqday kuwo aanu war isku seeganayn, meel kasta oo ay kala joogaanba. Horumarka weyn ee dhinac walba ah iyo indha sarcaadka soo badanaya ee aadamuhu u samaystay raaxada iyo quruxda nolosha ayaa abuuray nolol tookha iyo isu faanku muhiim yahay, qofka aan geeddigaas raacinna dareemayo hoosayn iyo in uu ka hadhay qayrkii. Dad badan oo ay ahayd in ay kharashkooda yareeyaan si dakhligooda ay u waafajiyaan, ayaa ay ku kalliftay in noloshaas ka kharashka badan dakhligooda ay indha la’aan ku raacaan, si aan loogu arag in ay hadheen. Waxa ay ka hulleeleen noloshoodii runta ahayd ee la jaanqaadi karaysay hayntooda, waxaa gacantooda ka baxday awooddii ay ku xakamayn kari lahaayeen xaalkooda maaliyadeed, waayo dakhliga soo