GEFAFKA MAALIYADEED EE AYNU GALNO
QALAD 1: Isu dheellitir dakhligaaga iyo kharashkaaga
----------
Hore ayaa ay Soomaalidu u tidhi, ‘Dani waa seeto’ laakiin noloshan dambe ee casriga ahi waxa ay dhiirrigelinaysaa in qofku seetadaas goosto. Teknoolajiyadda iyo war isgaadhsiintu waxa ay isu fureen dadkii dunida oo noqday kuwo aanu war isku seeganayn, meel kasta oo ay kala joogaanba. Horumarka weyn ee dhinac walba ah iyo indha sarcaadka soo badanaya ee aadamuhu u samaystay raaxada iyo quruxda nolosha ayaa abuuray nolol tookha iyo isu faanku muhiim yahay, qofka aan geeddigaas raacinna dareemayo hoosayn iyo in uu ka hadhay qayrkii.
Dad badan oo ay ahayd in ay kharashkooda yareeyaan si dakhligooda ay u waafajiyaan, ayaa ay ku kalliftay in noloshaas ka kharashka badan dakhligooda ay indha la’aan ku raacaan, si aan loogu arag in ay hadheen. Waxa ay ka hulleeleen noloshoodii runta ahayd ee la jaanqaadi karaysay hayntooda, waxaa gacantooda ka baxday awooddii ay ku xakamayn kari lahaayeen xaalkooda maaliyadeed, waayo dakhliga soo gala oo dhan waxa uu ku beddeshaa in uu bulshada uu ka dhex helo boos uu u arko inuu magac ku helayo ama ugu yaraan qayrkii aanu xaqirayn, laakiin runtu ay tahay in uu is dhigay xaalad dhalanteed iyo kumeelgaadh ah oo laga yaabo in waqti aan fogeyn uu saboolnimo ku dhaco.
Haddii aad rabto in xaalkaaga maaliyadeed uu noqdo mid xasiloon, himilooyinkaagana aad si qurux badan u gaadho, iska jir in kharashkaagu uu ka bato dakhligaaga.
QALAD 2: Kala saar baahidaada iyo xiisahaaga
---------
Kharashka aad bixisaa waa laba mid uun: in aad ku bixiso wax aad u baahan tahay iyo in aad ku bixiso wax aad xiise u qabto ama u haysato in aad saaxiibbadaa iskaga dhisayso iyo istusnimo.
Dadku waxa ay u badan yihiin in kharashaadka ay u galaan si aan miisaannayn, iyaga oo aan garan muhiimadda uu leeyahay farqiga u dhexeeya labadaas arrimood. Kirada guriga, kharashkaadka nolosha, cashuuraha, isgaadhsiinta aasaasiga ah iyo waxbarashadu waxa ay ka mid yihiin kharashka muhiimka ah, laakiin in aad hudheellada qaaliga ah ka soo cashayso, in aad dhar cusub joogto u iibsato ama adeeg is qurxin ah aad mar kasta samayso, iyo in meel aad bas u raaci karayso aad tagsi u kiraysataa, waa Kharash bixin laga maarmi karo marka aanu dakhligaagu buurnayn.
Weligaa ha gelin kharashaad aan aasaasi ahayn, adiga oo aan marka hore iska wada bixin kharashaadka aasaasiga ah, weliba in aad dhigaal samayso ayaa iyaduna muhiim ah.
QALAD 3: Ha dhayalsan deynta
--------
Deyntu dhibaato malaha marka aad ku qaadanayso qorshe cad, tusaale ahaan Mashruuc aad daraasaysay ayaa aad ku maalgelinaysaa, ama xaalad degdeg ah oo noloshaada dhib ku keenaysa ayaa aad ku furdaaminaysaa.
Weligaa iska jir in aad qaadato deyn ujeedada aad u qaadanaysaa ay tahay in aad ku iibsato shay aad ka maarmi karto. Xeeldheereyaasha waxa ay aaminsan yihiin in mar kasta oo ay sii korodho deynta qofka lagu leeyahay, in ay hoos u dhacdo fursadaha uu guul maaliyadeed ku gaadhi karo mustaqbalka.
Deynta aynu ka digaynaa ma’aha oo keliya in alaab ama lacag caddaan ah la amaahdo, waxaa jira deymo si dadban qofka u soo gala. Waxaa ka mid ah in uu qofku deyn ku qaato shay hafto ama qayb qayb muddo loo bixinayo. Deyntani waa culays khatar ku ah qofka aan dakhligiisu buurnayn, xaaladaha degdegga ah ee ku yimaadda ma maarayn karo qofku haddii bil kasta ama sannad kasta deyn bixin laga sugayo.
QALAD 4: Iska yeelyeelka maalqabeenka
-----
Dadka ay ladnaantu ku cusubtahay qaladaadka ugu badan ee ay galaan waa in ay xoogga saaraan sidii ay dadku u arki lahaayeen hodannimadooda. Labbis heerkiisu sarreeyo, Safarro badan oo dalxiis ah, gaadhi iyo guri qaaliya, iyo dukaamaysi joogto ah iwm, ayaa ay waqti badan geliyaan. Arrintani waxa ay sababi kartaa in dhaqso ay hoos ugu noqdaan dhaqaale ahaan, ama qaarkood ay kacaan, kaddib marka kharashkoodu bato, isla markaana ay ka mashquulaan maamulka iyo ka shaqaynta ilaha ay dakhliga ka helayaan.
Comments
Post a Comment